Ku soo Dhawaada Barnaamijka Caymiska Shaqo la’aanta ee Minnesota
Haddii uu COVID-19 shaqadaada saameyn ku yeeshay, soo garaac Adeegga Macaamiisha ee Ceymiska Shaqada (UI) Jimce kasta, 8-da ilaa 4:30 si aad codsigaaga u soo gudbiso. Turjubaan waa laguu diyaariyey. Waxaan rabnaa inaad caawimaad naga hesho.
Xaq u yeelashada PUA ee Ardeyda dugsiga sare
Isku day in aad intarnetka codsigaaga ku soo gudbiso (Axad ilaa Jimce 6-da subixii ilaa 8-da fiidkii).
- Barnaamij turjumaad ah oo la yiraahdo Google Translate: Google waxa uu barnaamijkiisa lagu galo intarnetka kuugu hayaa turjumaad bilaash ah. Waa barnaamij si toos ah qoraal kasta intarnetka kuugu turjumaya. Si aad ula soo degto barnaamijkaas, waa in aad haysato barnaamijka lagu galo intarnetka ee Google Chrome (oo si bilaash ah ayaad ku heleysaa). Guji halkan si aad ula soo degto
- Barnaamijka intarnetka ee Google Translate: Waa barnaamij aad ku sameyn karto in aad soo koobiyeysato qoraalka bogga Codsiga Ceymiska Shaqa-la'aanta (Unemployment Insurance Application) dabadeedna ku dhejiso bogga Google Translate. https://translate.google.com/
- Yandex Translate: Waa barnaamij aad sidoo kale ku sameyn karto in aad soo koobiyeysato qoraalka bogga Codsiga Ceymiska Shaqa-la'aanta (Unemployment Insurance Application) dabadeedna ku dhejiso bogga Yandex translator. https://translate.yandex.com/
Kani waa bog rasmi ah ee aad ka heleysid macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Caymiska Shaqo la’aanta ee Minnesota.
Ceymiska Dadka aan Shaqeyn waa barnaamij dowladeed ee ku caawiya marka aad shaqadaada lumiso ama badroonigaada yareeyo saacadaha shaqadaada.
Barnaamijku waxa uu ku siinayaa lacag adiga oo raadinayo shaqadaada kale. Lacagta waxay dabooshaa qeyb ka mid ah daqliga aad heshid marka aad shaqeyneysa waxaana laheli karaa muddo xadidan.